U bood dhigaalka

Google ayaa Ka Jawaabaya  Emaillada Lagu soo Diro

Haddii aad isticmaasho Google’s Inbox app ee shirkadda Google hadda kadib haka walwelin in fariimo ku dhaafaan, waayo Emailkaada waa lagaaga jawaabayaa, shaqada si fudud ayaa laguugu qaban doonaa.

Shirkadda ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo lagu magacaabo  Smart Reply, kaas oo soo jeedinaya in Emailkaada laga jawaabo.

Adeegan waxaa uu aqoonsan doonaa fariimaha u baahan in si degdeg ah looga jawaabo iyo fariimaha kale iyo xitaa option kale oo ku saabsan Luqadda lagu jawaabayo.

Shirkadda ayaa intaa ku dartay in adeegan la sii hor-mari doono, waxaa kaloo ay shirkadda sheegtay in ay ogaan doonto waxa ay u baahan yihiin dadka adeegsada adeeggan  emailka shirkadda Google.

Shirkadda Google  ayaa Emailkan sameysay, tijaabo ahaan Bishii May ee sanadkan 2015.

Erayada Emailkaada laga jawaabayo waxaa ka mid ah: “No plans yet”, “I just sent them to you”  ,  “I’m working on them” iyo erayo kale.

Waxaa lala adeegsan karaa iOS iyo Android.