U bood dhigaalka

GOOL FM oo ku guulaysatay Idaacadda ugu wanaagsan dalka

Sheeko:Cayaaraha

Idaacadda Isbooriga dalka ee GOOL FM ayaa habeenki xalay ahayd loo caleema saaray idaacadda ugu fiican geyiga Soomaalida, sanadka 2022.

Sanadkii 2012 kii bishii May 15 keedii ayaa dhidibada loo taagay Gool Fm , iyadoo xilligaasi ay jirtay baahi wayn oo loo qabay isboortiska, waxaana tan iyo markaas saaxiib la ahayd dhalinyarada kala duwan ee ciyaaraha.

Ma sahlano in lagugu abaal mariyo idaacadda ugu wanaagsan ee dalka, taas waxaa mudnaanteeda iska leh maamulka iyo hawlwadeenada idaacadda, kuwaas oo juhdi galiya si ay ugu soo gudbin lahaayeen bulshada ku xiran idaacadda barnaamijyo dhaxal gal ah.

GOOL FM waa idaacadda kaliya ee ka hadasha Sportska qaybihiisa kala duwan, iyadoo muddo 10 sano ah  dhalinyarada garab u ahayd.

Idaacadda GOOL FM waxaa ad ugu mahdiyay qaybaha kala duwan ee bahda Isboortiska,  maadama ay nalka ay u shidday Isbortska dalka, waana taas sababta ay ku heshay mudnaanta abaal marintaan.

May be an image of 2 people and people standing