U bood dhigaalka

Goorma Ayaa La Caleemasaarayaa Madaxweynaha Galmudug?

Sheeko:Dalka

Guddiga qabanqaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa shaaciyey waqtiga la caleemasaari doono madaxweynaha.

Maxamed Sheekh Axmed Maalin guddoomiye ku xigeeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug, ahna guddoomiyaha guddiga ayaa u sheegay Gooboog News, in 27-ka bishan laga dhigay xafladda caleema saarka.

Waxay dib uga dhacday waqtigii horey loo qorsheeyay, sababtuna wuxuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo oo dalka ka maqan, lana doonayo inuu madaxweynaha ka qeybgalo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay ka qeybgali doonaan munaasabadda iyo mas’uuliyiin kale oo la casuumay.

“Sababo farsamo ayuu dib ugu dhacay Caleemasaarka oo muhiim ugu tahay madaxweyne Farmaajo oo safar dibadda ah jira maadaama la rabo inuu kasoo qeybgalo, sida hadda la qorsheeyay Caleemasaarka wuxuu dhici doonaa 27-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah, waxaa kaloo kasoo qeygelali doona dhammaan madaxda maamul goboleedyada” ayuu yiri Maxamed Sheekh.

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug waxaa laga dareemayaa qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka madaxweyne Xaaf, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Goobjoog News