U bood dhigaalka

Goroowe: Golaha Deegaanka Oo La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Garoowe ayaa maanta lagu dhaariyey Magaaladaasi.

17 mudane ayaa la dhaariyey, waxaana la filayaa in illaa caawa lasoo dhammeystiro xubnaha kale ee golahan.

C/laahi Xirsi Timacadde, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa Goobjoog News uga warramay xilliga la dooran doono guddoomiyaha golaha deegaanka Garoowe iyo ku xigeennadiisa.

“ Waa gabogabo waxaan dhaarinnay maanta 17 xildhibaan sided ka mid ah hadda ayey ku jiraan howsha dhaarinta berry waxaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada “.

Dhanka kale waxaa Garoowe isla maanta lagu qabtay Shir looga hadlayey horumarinta Degmooyinka Garoowe kaasi oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Goobjoog News