U bood dhigaalka

Guantanamo Oo Laga Soo Kaxeeyay Maxaabiistii Ugu Badneyd Intii Uu Obama Madaxda Ahaa.

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa Guantanamo ka soo saaray ilaa 15 maxbuus, waa tiradii ugu badneyn tan iyo intii uu Mareykanka madaxweyne ka noqday Obama.

Pentagon-ka ayaa sheegay in 12 Yamaniyiin ah iyo 3 u dhashay dalka Afgaanistaan laga soo qaaday Guantanamo, waxaa la sheegayaa in haatan ay ku hareen oo keliya ilaa 61 maxbuus.

Dalka Imaaraadka ayaa aqbalay in maxaabiistaas dalkiisa la geeyo, Mareykanka ayaa uga mahadceliyay Imaaraadka sida banii’aadamnimada ah ee ay u aqbaleen.

Guantanamo Bay waa xabsi ay ciidamada badda ku leeyihiin koofur beri Cuba, Bush ayaa ka dambeeyay in halkaas la geeyo dadkii ka dambeeyay qaraxii September 11.

Goobjoog News