Gudd. Maaliyadda Golaha Shacabka Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Eedeeyey Musuq Baahsan, Akhriso 10-kan Qodob

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa uu wasaaradda maaliyadda ku eedeeyey wax is-daba marin, canshuur qaadista oo gaabis ah ayna  wasaaraddu ku guul-dareysatay soo xareynta ku talagalka dakhligan 2018-ka iyo inay bixin waayeen howlaha adeega wasaaradaha.

Qoraalka Guddiga waxaa ku jirtay in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka, oo weliba aaney ka qaadin wax canshuur ah goobahaas, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey. Sidoo kale wasaaradda maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda, Waxaa kale oo guddiga  usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka.

Qeybta 1aad:  Halkan Hoose Ka Akhriso, Ilaa 10 Qodob uu Guddiga Ku Faah-faahiyey Musuqa Wasaaradda Maaliyadda:

Ugu horeyn, Guddiga maaliyadda golaha shacabka waxaa uu sheegay inuu jiro koror kooban meelaha qaar sida canshuurta qaansheegadka Hotelada iyo canshuurta shaqqalaha gaarka ah. Sidoo kale waxaa jira gaabis ama hoos u dhac meelaha qaar sida canshuurta Qaadka, canshuurta mushaarka shaqaalaha dowlada oo aanan fadhin,  sidoo kale waxaa jira ilo dakhli laga filayay sida ka muuqata saadaasha qoondada Miisaaniyadda balse aan wax dakhli ah kasoo xeroon muddadii u dhaxaysey Janaayo ilaa Agoosto 2018, sida xawaaladaha, bangiyada, warshadaha korontada iyo biyaha iwm.

Kabidda Miinsaaniyadda:

Sida Guddiga maaliyadda golaha shacabka uu qoray,  waxaan lahelin dhammaan kabki/kaalmadii Miisaniyadeed laga filayay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka halka Dowladda Qatar ay bixisay $3Malyan una dhiganta 30%, balse Dowladda Turkiga ayaa bixisay dhammaan kabki miisaaniyadeed ee ay ballan qaaday oo ahaa $20 Malyan.

Hoos-u-dhac Dhaqaale:

Sida ka muuqata jaantus-ka guddiga waxaa soo xerooday 8dii bilood ee sannadkan ugu horreysay dakhli dhan $ 156,717,203.52 una dhiganta 57%, halka laga sugayay muddada 8da bilood ah in uu soo xeroodo dakhli dhan $183,086,794 taasi oo muujineysa inuu jiro hoos u dhac dakhli mudada 8da bilood ee lasoo dhaafey oo dhan $26,369,590.48 una dhiganta 14% . Sidaa darteed muddada 4ta bilooda ah ee sannadka ka hartay waxaa la filaayaa in uu soo xeroodo dakhli dhan 117,912,987.48 una dhigma 43%, taas oo muujinaysa in uu gaabis xoogle kajiro in la xaqiijiyo ku talagalka sanadkaan ee ahaa dakhli dhan $274,630,191.00. Haddaba in kastoo uu ka muuqdo xaaladda miisaaniyadda isdhin xoog leh haddana xukuumaddu waxay marar badan sheegtay inuu koror dhaqaale jiro oo dakhliga soo xerooday ka batay intii uu ku talogalku ahaa.

Kharashka baxay Sannad Miisaaniyadeedka 2018 bilaha Janaayo ilaa Agoosto

Guddiga oo tixraacaya warbixinada iyo baaritaanada uu ka helay xafiiyada Xisaabiyaha guud iyo Hantidowraha aadna ugu kuur galay dib u eegisna ku sameeyay hab-maalmulka kharash bixinta qoondada miisaaniyadda waxaa usoo ifbaxay arimaha hoos ku xusan:

1. In Wasaaradda Maaliyaddu ku dhaqmin asalkii Qoonda Miisaaniyadda 2018 ee Golaha shacabku ansixiyay sida ka muuqata warxin maaliyadeedka soo gaartay guddiga horane u dhacday sanadki 2017 taas oo kaliftay in uu xirmi waayo xisaab-xirki 2017 ee golaha loo soo gudbiyay kaliftane in guddigu dib ugu soo celiyo guddonka Golaha si dib loogu celiyo Wsaaaradda Maaliyadda.

2. Qarashaadka socodsiinta howlaha adeega (Running Cost) inta badan mahelaan hay’adaha dowlada marka laga reebo madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda taas oo ay ka dhalan karto gaabis ku yimaada howlaha ay u xilsaaranyihiin hay’adahaasi sida Safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa, waxaa kale oo ka dhalan kara in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury Account) sida hore u dhacday hay’ada qaar kana muuqatay Warbixinta hantidhowraha.

3. Waxaa guddiga usoo baxday in si aan sharci ahayn lagu soo aruuriyay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyay Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Waxaa ku amray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan waxaana uu ku tilmaamay qaaraan lasiinayo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC) oo ah hay’ad dowladeed oo leh qoondo miisaaniyadeed. Hadaba arintaan waxaa ka muuqata iska hor imaad maslaxadeed (conflict of interest) maadaama xaruntaan sababaha loo abuuray ama waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal dinbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF). Waxaa kale oo xusuusin mudan in lacaghaas lagu shubay xisaabta gaarka ah ee wasaaradda Maaliyada ku leedahay bangiga dhexe sida uu amray Wasiirka Wasaaradda taas oo khliaafsan dhammaan shuruucda maaliyadeed ee dalka, halka ay ahayd in lagu shubo khasnada dhexe ee dowladda

4. Waxaa kale uu guddiga u cadaatay in ilaa iyo hadda aan laga qaadin shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay aan laga qaadin canshuurti Sharciga ahayd halka lagu amray in ay bixiyaan lacago aan sharciga waafaqsanayn, iyadoo habka loo maray qabashada/ aruurinta lacagahaas amma lagu bixiyay ay baal marsanyihiin nidaamka maaliyadda iyo xeerarka loo jideeyey.

5. Qasanadda Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadki 2017 kana timid Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana la iscticmaalay isla sanadandkaas lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka Malyan oo ka haray loo wareejinayo sanadka 2018 balse kama muuqato lacagtaas dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa Agoosto 2018 sidoo kale kama muuqato in ay kasoo wareegtay lacagtaasi sannadki 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda 2018 dakhli ahaan.

6. Madax xigaha Adeega Dowlada gaar ahaan cuuraarta oo loo qoondeeyay xuquuq gaar ah waxaa laga wareejiyay lacag dhan $3 Malyan si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinada waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey.

7. Raasumaalka: Waxaa jira Madax xigayaal kala duwan oo ay kujiraan lacago loogu tala galay raasumaal/ama mashaariic hurumarineed oo ka mid ah qoondada Miisaaniyadda 2018 oo loo istimcaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii golahu ku ansixiyay qoondada Miisaaniyada sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa T ee Xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018 oo farayay in loo isticmaalo habaraaco uu farayo sharciga iibka qaranku.

8. Dowlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir: Sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa J golahu waxaa uu faray Wasaaradda maaliyadda in ay guddiga horkeento ka hore bisha April 2018 faahinta Miisaaniyadaa Dowlada gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ilaa iyo hadda oo sanadki sii dhamaanayo wax faahfaahin ah Wasaaradu lama soo wadaagin guddiga,

9. Wasaaradda Maaliyada: Sida ka muuqata warbixin xisaabeedka mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa iyo Agoosto 2018 Wasaaradda Maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda mudada sare ku xusan. Sidoo kale waxaa guddiga usoo ifbaxday in ay jiraan shaqaale ka qaatada mushaaro in kabadan hal meel/hay’ad taas oo aan waafaqanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka.

10. Guddiga waxaa usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka taas oo abuurtey; dibu dhaca kharash bixnta ayada oo dakhli ku filani ku jiro khasmnadda dhexe sida ku cad warbixinta Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW