U bood dhigaalka

Guddi Howleedka Baarlamaanka U Xilsaaray Curinta Mashruuca Sharci Ee Doorashada 2016 Oo Ka Warbixiyay Waxa u Qabsoomay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdisamada Macallin Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay howlqabadka guddi hoosaadka loo saaray diyaarinta mashruuc sharci oo lagu ogolaanayo dalka inay ka qabsoonto doorasho Dadban.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka warbixiyay guddiga iyo go’aanada kasoo baxa halka loola noqonayo, waxaanuu yiri:

“Guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu saaray guddi ka kooban 21 xubnood oo la shaqeynaya guddoonka iyo 5 xildhibaan oo baarlamaanka arrimahaa u qaabilsanaa, waxayna isku noqonayaan 25 xubnood oo soo diyaarinaya qaabkii ay sharci ku noqon lahayd (Doorasho Dadban oo dalka ka dhacda), waxa baarlamaanka la keenay waa arrin aan sharciyaysneyn, si nidaam sharci ah looga dhigo ayaa loo saaray guddigaas, kabacdi ayaa baarlamaanka la horkeeni doonaa oo iyaguna fikirkooda ay ku dari doonaan, marka uu go’aanku ka soo baxo baarlamaanka ayaa madaxweynuhu saxiixi doonaa”.

“Guddigan warqadii lagu magacaabay ayaa waxaa ku qoran in muddo 5 cisho ah ay ku diyaariyaan ka bacdina la horkeeno baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, kabacdina uu baarlamaanku soo saaro go’aan uu maajooratigiisu isku raacsan yahay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in hanaanka doorasho ee baarlamaanka la keenay intiisa badan uu dastuurka hareer mar san yahay:

“Marka hore iney xildhibaanadu soo jeediyaan maadama doorashada la keenay inteeda badan ay dastuurka khilaafsan tahay, in baarlamaanku soo jeediyo, iyadoon dastuurkii waxba laga bedelin oo aan la taaban, in la ogolaado inay dhacdo doorasho dadban oo dalku hadda marxaladda uu ku jiro uga gudbaayo, ka bacdina xildhibaanada la soo dooranayo ee baarlamaanka soo socda in markaa la sameeyo wixii shuruurc ah ee rasmi ah”.

“Hadda maadaama xilli gabaabsi ah la joogo waxbana aaney diyaar ahayn, horta in la ogolaado in doorasho dadban ay dhacdo oo markaas baarlamaanku uu ansixiyo” ayuu hadalkiisa kusii adkeeyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney jiraan fikrado kala duwan oo xubnaha qaar ay ku kala aragti duwan yihiin:

“Fikirro ay shakhsiyaad qabaan oo la isku khilaafsan yahay waa jiraan, laakiin hadda doodaas wali lama gaarin, wali lama gaarin qodobadii xasaasiga ahaa oo ama xildhibaannada qaarkood u arkayeen ineysan sax ahayn ama maamul goboleedyada madaxdeedu ay u arkayeen iney aad muhiim ugu yihiin wali lama gaarin marka lagaaro ayaa wax laga dhihi karaa”.

Guddi hoosaadka baarlamaanku u saaray mashuur sharciyeedka lagu ogolaanayo doorasho dadban inay dalka ka dhacdo, ayaa shalay iyo maanta ku shirsan magaalada Muqdisho si ay iskula meel dhigaan oo ay u diyaariyaan qodobbo sharci ah oo lagu ogolaanayo inay dalka ka dhacdo doorasho dadban, iyagoo maalmaha soo aaddan baarlamaanka hor geyn doona kadibna la isku raaci doono si sharci ah in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.

Ugu dambeyn, 4 May 2016 ayay ahayd markii baarlamaanku ay isku raaceen in la abuuro mashruuc sharci oo lagu toosinayo hanaanka doorasho ee 2016, laguna ogolaanayo inay dalka ka dhacdo doorasho dadban.