U bood dhigaalka

Guddi Loo Saaray Dil AMISOM Ay Ka Geystay Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in ay guddi u saareen dhacdo maalin ka hor ciidanka AMISOM ay ku dileen nin kamid ah ergada xildhibaannada soo dooranaysa.

Sahra Maxamed Maxamuud oo ah guddoomiye xigeenka guddiga doorashada dadban ee Galmudug ayaa sheegtay in dib loo dhigay kuraasta ay tartankooda uu ka taagan yahay khilaafka iyo isqabqabsiga.

Waxay sheegtay in guddi ay u saareen sababtii uu ku dhintay Cabdullaahi Caraale Dibille oo kamid ahaa ergada kaasoo shalay illinka hore ee xarunta doorashada Cadaado ay ciidanka AMISOM ku toogteen.

 “Dhacdadii dilka ahayd oo maalin ka hor ciidanka AMISOM ay ku dileen nin ka tirsanaa ergada guddi ayaa u saarnay waxaana sugeynaa jawaabta ay guddigaasi ka keenaan” ayay tiri.

Musuqa iyo laaluushka kuraasta xildhibaannimo ayay sidoo kale ka hadashay oo ay ku sheegtay in wixii musuq ah oo ay arkaan ay awood u leeyihiin inay hakiyaan guddigooda oo ay joojiyaan.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay cabasho ka imaanayso qaar kamid ah ergada iyo musharrixiinta oo sheegaya inay qaata ka taagan yihiin musuq baahsan oo doorashada lagu sameynayo iyo lacago loo adeegsanayo.

Goobjoog News