U bood dhigaalka

Guddi Loo Xil Saaray Dhacdo Ka Dhacday Xarunta Doorashada Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa loo xil saaray dhacdo maalmo ka hor ka dhacday xarunta doorashada aqalka hoose ee magaalada Jowhar taasoo noqotay ceeb hareysay dowladda federaalka.

Shaqaaqadani oo dad ay ku dhaawacmeen waxay salka ku heysay muranka ka dhashay u tartamidda kursi xildhibaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer qaran Abuukaate Cumar Maxamed Dhageey ayaa Jowhar ka sheegay in kiiskaasi ay guddi u saareen islamarkaana uu socdo baaritaanka la xiriira.

Waxaa kaloo uu sheegay in wixii baaritaanka socda ka soo baxa kadib guddigooda uu qaadan doono go’aan ku saabsan arrimaha doorashada.

Wasiirka dhallinyarada dowladda Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaa ilaalo uu watay ay israsaaseeyeen ciidankii ilaalada ka ahaa xarunta doorashada taasoo sababtay dhaawaca seddex qof.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sida xeer ilaalinta, booliska, nabad sugidda iyo wasiirro ayaa ku sugan magaalada Jowhar kuwaasoo aan la sheegi Karin inay baaritaanka qeyb ka yihiin iyo in kale.

Maalintii seddexaad ayay doorashada aqalka hoose ee Jowhar hakad ugu jirtaa dhacdadaasi dhacday darteed.

Goobjoog News