U bood dhigaalka

Guddi Wasiirro Ah Oo Maamuli Doona Caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Guddi ilaa 8 xubnood ah ayaa loo saaray qaban-qaabada xafladda caleemo saarka madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddigan waxaa jira:Cabdullahi Axmed Jamac, Cabdirisaq Cumar Maxamed, Cabdiraxmaan Odowaa, Axmed Cali Kediye, Maxamed Aden Fargeti, Cabdiraxman Ceynte, Saciid Xuseen Ciid iyo Xayir Maareeye.

Shaqada guddigan waa: qaban-qaabada caleemo saarka, in ay si siman u qeybiyaan shaqada, jaan-goynta kharashka baxaya, sugidda ammaanka iyo sameynta guddi hoosaad ka shaqeeya habsami u socodka caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu xilka la wareegi doona 22ka Bishan.