U bood dhigaalka

Guddi Xaqiiqo Raadin Ah oo Loo Dirayo Goobihii Xudduuda ee Lagu Dagaalamay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Weheliye Cirfo oo shalay kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Jigjiga ee magaalo madaxda ismaamul deegaanka dowladda Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay qodobadii ay kusoo heshiiyeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu isaga ka mid ahaa iyo kuwa Itoobiya kadib dagaaladii ka dhacay xudduuda labada dal.

“4tii bisha ayaan gaarnay, waa nalagu soo dhaweeyey, dad Soomaaliyeed oo sharaf leh oo ku talogalay in wixii meesha ka dhacay laga heshiiyo, si wanaagsan ayaan u wadahadalnay, shirka waxa uu socdey 5tii illaa 6dii bisha, kadibna waxaa laga soo saaray 8 qodob” ayuu yiri Cirfo oo intaasi ku daray in laga heshiiyey colaadii labada dhinac dhex taalay.

Waxa uu sheegey in guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ah loo dirayo deegaanadii ay dhibaatada ka dhacday si ay usoo qiimeeyaan baaxadda qasaaraha ka dhashay dagaalka, dhimasho, dhaawac iyo hanta burburtey.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah in ciidamada laga kala qaado meelaha lagu heshiiyey, iyada oo dhanka Itoobiya laga qaadey meesha ciidamada booliiska gaarka ah ee Liyuu, laguna badalay kuwa federaalka.

Waftiga dowladda waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo suldaanka beesha Ceyr , kaasi oo isaga iyo salaadiin kale ay u gudbeen deegaanadii uu dagaalka ka dhacay si dadka loo gaarsiiyo fariin nabadeed.

Xuseen Weheliye Cirfo ayaa waxa kale oo uu sheegey in mas’uuliyiinta Itoobiya ay kala hadleen dagaalo ka dhacay gobolka Hiiraan oo iyaguna la sheegey in ciidamada Liyuuga ay ku lug lahaayeen.

Dagaalo ka dhacay xudduuda Galgaduud oo dhexmaray ciidamada Liyuuga iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxaa la sheegey in ay ku dhinteen wax ka badan 50 qof oo shacab u badan dhanka Soomaaliya, iyada oo qasaare intaasi ka badane uu dhashay.

Goobjoog News