U bood dhigaalka

Guddiga abaaraha Ceel-Waaq oo qeylo dhaan hor leh soo saaray

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha degmada Ceel-Waaq Faarax Macalin Bishaar ayaa baaq qeylo dhaan ah u diray hay’adaha sama falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faarax Macalin oo la hadlay Goobjoog FM ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka sii dartay xaalada beni’aadanimo ee ka taagan degmada Ceel-Waaq.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qoysas fara badan ay la daalaa dhacayaan raashin yari, biyo la’aan, caafimaad darro iyo xaalado kale oo dhanka nolosha ah.

Waxa uu tilmaamay Faarax Macalin in weli dadka ay saameeyeen abaaraha ee gobolka Gedo ku nool aysan helin gargaarkii ay u baahnaayeen.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan u gurmashada dadkaasi ku dhibaateysan degmada Ceel-Waaq.

Hay’adaha qaramada midoobey iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kol hore ku dhawaaqay in koofurta dalka ay ka jirto macluul iyo abaaro baahsan.