U bood dhigaalka

Guddiga Abaaraha Sool Iyo Sanaag Oo Fariin u Direy Maamullada Dalka Ka Jira

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno badan oo kamid ah gobolladaasi, iyadoo guddiga uu ku baaqey gurmad degdeg ah.

Sheekh Saciid Axmed Cadar oo ah guddoomiyaha guddigan oo wareysi siiyey Goobjoog News wuxuu sheegay in abaarta ay aad uga sii dartey, islamarkaana ay dhammaadeen dhammaan xoolihii dadku dhaqanayeen, hadane ay billowdeen in abaarta ay u dhintaan dadka.

Dadka qaar ee dhaqaalaha heli karay ayuu sheegay guddoomiyaha in ay kireysteen gaadiid oo deegaanno kale ay aadeen, halka dadka qaarna ay yihiin kuwo ka kici waayey meeshii ay deganaayeen.

“Caruur baa u dhintay abaarta, dadka qaar oo lacag yar heli karay gaadiid ayeey soo raaceen, dad waxaa jira aan haysan wax lacag ah xoolihiina ay ka dhammaadeen, waxay taasi keentay in carruur badan ay abaarta u dhintaan” ayuu yiri Sheekh Saciid.

Sheekh Saciid ayaa dhanka kale ugu baaqey dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo hay’adaha samofalka ah in dadkaasi gurmad xooggan lasoo gaaraan.

“Dowlada federaalka iyo maamullada Puntland iyo Somaliland waxaan ugu baaqeynaa in gurmad lasoo gaaraan dadka abaartu hayso, xaaladda aad bay uga siidareysaa, hay’adaha samofalka ah waxaan  iyagauna u sheegeynaa in doorkooda meesha ka maqan yahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar baahsan  oo saameyn ku yeelatay dadka iyo diinyada, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News