U bood dhigaalka

Xildhibaanno Isku Tagay Oo Walwal Ka Muujiyey Wararka Qatar Ku Eedeeyey Amni Darrida Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in  ay tahay arrin laga  walwalo warbixin uu  uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.

Wargeyska  warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya’ xildhibaanka ayaana sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas  guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii”

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi  ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar  u fadhiya dalka,uu wargeysku  sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah.

“ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka  difaaca ah oo  aniga madax u ahay  waxaan qaadaneynaa  inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay”

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin  arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday.

Goobjoog News