U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka oo aan Ka Wareysannay Safar Shaqo Ay Ku Gaareen Dalka Suudaan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbiyay booqasho rasmi ah oo ay ku gaareen dalka Suudaan.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn nooga warbixiyay safarka iyo ulajeedadiisa:

“Socdaalkan guddigu ku gaaray magaalada Khartuum waxa uu ahaa mid uu ka helay martiqaad rasmi ah guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhigiisa ah ee baarlamaanka dalkaasi Suudaan, waxaan isla falanqeynay qodobbo farabadan oo ajandayaal ah markii hore-na jadwalka loo dajiyay”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddigooda ay garoonka Khartuum kusoo dhaweeyeen guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Suudaan ‘Mustafaa’ iyo guddoomiye ku xigeenkiisa ‘Tiijaani Mutawakili’, iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan iyo waliba safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas oo dhamaantoodba si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Suudaan.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa sii raaciyay; “Markii guddiga la dajiyay xaruntii loogu talogalay iyo goobtii loo diyaariyay isla maalintii kale ayaan qaabilnay guddoomiyiha baarlamaanka  dalka Suudaan; Ibraahiim Axmadow Cumar oo aan warbixinno kala qaadanno marxaladda guud ee dalka Soomaaliya si tafatiranna guddigeenna uga dhageysto, waxaanan ka helnay soo dhaweyn diirran iyo sida ay Suudaan u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan baarlamaanka Soomaliya iyo kan Suudaan, labada guddi ee iskaashiga caalamiga ah ee labada baarlamaan ayaa lagu ballamay iney howshaas sii amba qaadaan”.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay iney u suurtogashay iney la kulmaan maxkamadda sare iyo guddiga garsoorka Suudan, waxa uu tilmaamay in si xoog leh looga hadlay maxkamadda ICC, taas oo kiisas ku haysata madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo madaxweynayaal kale oo Afrikaan ah oo uu ku jiro kan Keenya ee Uhuru Kenyatta, waxa uu sheegay iney dareenkooda u muujiyeen Suudaan iyo sida ay uga soo horjeedaan dacwadda madaxweyne Al-Bashiir ku furan, aadna wey ugu riyaaqaanee ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa noo sheegay iney u suurtogashay iney la kulmaan madax farabadan oo ka tirsan Suudaan, waxa uu tilmaamay iney la kulmaan wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo wasiir dowlaha tacliinta sare iyo xisbiga haya talada dalka Suudaan iyo axsaab kale oo dalka Suudaan ka tirsan.

Xildhibaanka ayaa tilmamaay in madaxdii ay la kulmeen ay ka heleen waxyaabo badan oo hididiilo ah oo aad usoo jiitay, waxa uu yiri; waxaan aragnay iney Suudaan si xoog leh u daneynayso arrimaha Soomaliya oo madaxda reer Suudaan doonayaan in hay’ad kasta oo dowladeed lala mataaneeyo dhiggeeda Soomaaliya, waxa uu farta ku fiiqay in madaxda dalkaas ay u sheegtay iney Soomaalida iyo Suudaantu ay isku mid yihiin oo ay  hal shacab isku yihiin oo labo dal ku kala nool.

Xildhibaanku waxa uu xusay in dalka Suudaan ay wax ka bartaan arday gaareysa illaa 6000(Lix kun) oo arday Soomaaliyeed ah, waana dalka ugu badan ee ay arday Soomaaliyeed wax ku barato, dadkii wax kusoo bartay ayaa maanta xildhibaanno iyo madax sare ka ah Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka mudane Cabdiqadir Cosoble oo uu weheliyay guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Pro.Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaanno kale, ayaa guulo la taaban karo kasoo gaaray safarkooda sida uu noo sheegay xildhibaan Dalxa oo aan wareysigan gaarka ah la yeelaney.

Goobjoog News