U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Baarlamaanka Puntland Oo Ka Digay Doorashooyin Ka Dhaca Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa u sheegay Somaliland inaan la aqbali doonin doorashooyinka ka dhaca gobollada Sool iyo Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka guddigan, Xildhibaan Maxamed Axmed Ibraahim ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan jirin doorashooyin ka dhacay gobolladan.

Wuxuu tilmaamay in hay’adaha ammaanka la faray iney tallaabo ka qaadaan cid walbo oo isku dayda iney kusoo xadgudubto deegaannadaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ma aqbali doonno in doorasho ay ka dhacdo Sool iyo Sanaag,  shacabkeenna diyaar uma ahan kala qeybinta umadda Soomaaliyeed waxay doonayaan in dad basas inta ku keenaan gobolladaasi ay ka dhigaan wax doorasho lagu qabtay, balse kama aqbali doonno, hay’adaha ammaankana ammarkooda waa ay qabaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Deegaannada Somaliland waxaa maanta oo Isniin ah ka bilowday doorashooyinka madaxtinimo, waxaana ku tartamaya Saddex musharrax.

Goobjoog News