U bood dhigaalka

Guddiga Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Ee Golaha Shacabka Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Jira Arrimaha Xajka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dheer oo ay u gudbiyeen guddoomiyaha golahan waxay kusoo bandhigeen baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen muranka ka jira aadista Xajka sanadkan 2018 ee dhanka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in halis weyn ay Xujeyda Soomaaliyeed ugu jiraan in sanadkaan aanay bixin sababo la xiriira muranno jira.

Qoraalka hoos ka akhriso: