U bood dhigaalka

Guddiga baarlamaanka Ee Hannaanka Doorasho: Muqdisho Ayaan Kusoo Darnay Qeybsiga Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen  oo ka tiran baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo qeybna ka ah guddiga 26 ah ee baarlamaanku u xushay turxaan bixinta heshiisii madasha oo wareysi gaar ahna siiyay Goobjoog News ayaa sheegay iney isbedel ku sameeyeen qodobo muhiim ah oo ku jiro awood qeybsiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay sababtii guddiga uu ka tirsan yahay ay baarlamaanku u xuleen:

“Guddigaas baarlamaanka waxaa loo saaray wixii ka soo baxay madashii madaxda qaranka iyo kuwa gobollada oo golaha wasiiradu noosoo gudbiyay 30 bishii April , waxaana lagu ballansanaa iyagu waxay soo saaraan in baarlamaanku sharciyeeyo, micnaha sharciyayntu waxa weeye haddii sharciga uu  waafaqsan yahay in la sharciyeeyo hadayna waa waqsaneyna in la fiiriyo danaha qaranka wixii la socon kara”.

“Muddo todobaad ah ayay maanta nagu tahay dabaaldagyo ayaa naga soo galay waana naga dhamaatay, guddiga xagiisa waa ka soo aruurtay, waxaana loo gudbin doonaa baarlamaanka, waxaanan rajaynaynaa wixii guddigu ka soo shaqeeyay inuu meel mariyo Baarlamaanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu xildhibaanku hoosta ka xariiqay in awood qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka ay ku soo dareen gobolka banaadir iyagoo waafajiyay qodobka 72 ee dastuurka:

“Inaha ugu muhiimsan ee laga hadlayay waxaa ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka, waxaa sharcigu dhigayaa qodobka 72 in laga keeno 18 gobol, wixii naloosoo gudbiyay 17 gobol ayaa aqalkii laga keenay 54 loo qeybiyay, halkaa waan saxnay waxaan ku adkaysanay inaan gobolka 18aad oo Muqdisho ahaa banaadir inaan sina looga tagi Karin, arrintaa is afgarad ayaa laga gaaray Muqdishana waa lagu soo daray”.

“Waxaa kaloo aad looga dooday madaxda goboladu saxiix ma ku yeelan karaan xildhibaan federaal ah , arrintaa markii loo sharci dayay oo aanu dastuurka fiirinay oo aan dhaqanada caalamka fiirinnay oo wax walba fiirinay waxay noqotay maya, xildhibaanku hadduu qabiil ka imanaayo qabiilka ayaa soo xulaya ergada dooraneysa cidina saxiix kuma laha guddiga koontaroolaayo mooye” waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Waxa kale ee soo hara, ayuu yiri xildhibaan “Kabaweyne, waa arrimo farsamo waxaan u dayneynaa guddiga Doorasho ee la dhisayo si aan wakhtina loo dayicin lana meel mariyo hashiiskii lasoo gaaray.

Ugu dambeyn, 30 April ayaa baarlamaanka la hor keenay hanaanka doorasho ee 2016, iyadoo baarlamaanka laga filayo iney dhawaan meel mariyaan kadib markii ay ku sameeyeen turxaanbixin.

Goobjoog News