U bood dhigaalka

Guddiga Baarlamaanka:  Nidaamka matelaadda isu dheelitiran Waa La Diiday Ee Hala Hirgeliyo Nidaamka Aqlabiyadda ah

Sheeko:Dalka

Guddiga uu golaha shacabka BF u saaray sharciga doorashada ayaa la yimid model cusub oo doorasho iyaga oo meesha ka saaray  hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran, taa badalkeeda keenay  Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Qodobada Xiisaha badan waxaa ka mid ah:

Waxa ay dhamaan dhinacyada kala duwana ee aan la kullanay walwal ka muujiyeen nidaamka doorasho ee ku dhisan ergooyinka ee lagu soo galay doorashooyinkii 2016 ayagoo ku sababeenaya amni darrada jirta inay tiro kooban ahaayeen ayna horseedi karaan musuqmaasuq.

Waxa ay dhinacyada kala duwan intooda badan walaac ka muujiyeen gaar ahaan qaybaha kala duwan ee dowlad goboleedyada in hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran (proportional representation closed list) uusan ahayn mid ku haboon marxaladda dalka marayo uusanna ka hirgeli karin Dalka. Waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen in hanaankan dhalin karo lumitaanka miisaanka awood qaybsiga ee horay ummadda Soomaaliyeed ugu heshiisay, waxay kaloo ay farta ku fiiqeen iney adag tahay qabsoomidda doorasho qof-iyo-cod ah xilligan.

Dhammaan Dowlad Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxay si wadajir ah u sheegeen in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Dhinacyada aan la kulanay dhammaantood waxay soo jeediyeen in doorashada qof iyo cod aysan hirgelin karin ayadoon la diyaarin qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhameystirka Dastuurka;
  2. Midnimadda dhammaan dalka oo idil;
  3. Diyaarinta Sharciga Jinsiyadaha;
  4. Muwaadiniinta Soomaaliyeed tirakoob rasmi ah loo sameeyo;
  5. Sugidda xuduudaha degmooyinka iyo gobollada dalka.

Nooca Doorashada ee Guddiga soo-jeediyey:

Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda Nidaamkan Aqlabiyadda hal kii kursi ah (Single-Member Popularity – SMP). Marka loo eego nidaamyada kale waa midka ugu sahlan wuxuuna leeyahay astamahan hoos ku xusan; Halkii kursiba gaarkiis ayaa loogu tartamayaa, Sida magaciisa ka muuqata FPTP. codeynta koowaad ayaana lagu kala baxayaa, Murashixii u codbadan ayaa kursiga ku guuleysanaya. Codbixiyuhu hal murashax ayuu ka dooranayaa liistada Murashaxiinta ee kursiga. In la xaqiijiyo dheellitiranka saamiqaybsiga. matalaadda Bulshada ee golayaasha Baarlamaanka; In ay dhacdo doorasho ku salaysan xisbiyo. In dadwaynaha deegaanka degan ay u siman yihiin u codeynta murashaxiinta. In codbixiyayaasha wax dooranayaa ka iman karaan deegaanka goobta doorashada ee heer gobol ama dawlad goboleed ah.

Goobjoog News