U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Fariin U Diray Ganacsatada (Sawirro).

Sheeko:Dalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadkii lacagaha yaboohay ee weli qarashaadka aan bixin.

Gudoomiyaha Gudigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu sheegay in weli aanay muuqan Kaalinta Ganacsatada Soomaaliyeed  ee u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Wadanka Yemen.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada Laga doonayo in ay ka qayb qaatan Barnaamijkan Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaliyeed ee Wadanka Yemen ka soo laabanaya .

“Ganacsatada Soomaaliyeed weli idin ma aragno, intiinii badneyd weli ma hayno, shirkadda Hormuud oo noogu yaboohday 100-kun oo doolar ayaan haynaa, Dahabshiil waan ballan sannahay, waxaan rabnaa in lasoo degdego, hantida in la huro, Maraakiib in la kireeyo ayaan rabnaa, waxa aan rabno ma ahan lacag kaliya, baahida hadda ugu weyn waa dadkaasi sidii xabadda Yemen loo soo dhaafin lahaa, cidii diyaarad kireyn karta, cidii Markab leh oo markabkeeda wax kusoo daldali karta, Kheyrka haloo tartamo, waa fursad, halaga faa’ideyso, umadeenii ayaa xabad, Gaajo iyo silic u dhimanaysa, ilaahay xoolaha wuu nagu xisaabinayaa, maanta oo kale hadii aan la qiiroon, wax la qaban la’isku naxariisan waxaa weeye Naxariista Ilaahay lama helaayo, Nabigeena waxa uu yiri Dadka qofka aan u naxariisan ilaahayna uma naxariisanayo, naxariista Ilaahay waan u baahannahay, arinta hadda waa bilaw, dadka oo dhan ma aragno, waxaan u baaqayaa qurba joogta dalka ka maqan, diyaar garooba is uruursada, shirar qabsada qadadka soo gala, Kheyrbaan idinku aqoon jirnay iyo in aad gurmataan, ma waxaad ka maaranteen in aad aakhiro wax u baxsataan oo umaddiina iyo dadkiina badbaadsataan, hala soo dhaqso, caga jiidka hala’iska daayo, yaan moraalka nalaga dilin, arintaan hanalagu dhiira geliyo” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Dhinaca kale Sheekh Nuur ayaa sheegay in aysan wax micno ah ku fadhin warqado saxiixan balse la doonayo cid walba oo lacag ku yaboohday in ay dhiibto, sidii shalayba ay u balan qaaday, hadii ay ahaan lahayd wasiir, ganacsade ama shaqsi caadi ah.

“Dadka wax yaboohaya wixii ay yabooheen hana soo gaarsiiyaan, illaa hadda warqado wax ku qor qoran yahay ayaan haynaa, hanala soo gaarsiiyo walaalayaal, dib u dhac ma jiro, qofkii wax sheega wixii uu sheegay waa in uu keenaa, sidaas ayaan wax ku qaban karnaa, hadii kale tiro la sheegay ama warqad wax ku qoran waxba matarayso , hadii aanan hayn lacag ama waxba kireyn karin, wasiiro hadii uu noqon lahaa, baarlamaan hadii uu noqon lahaa, gacanacsato aan badneyn waxaan leenahay wixii la yaboohay hanaloo keeno” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa wado dadaal xoogan oo uu ku doonayo in loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Goobjoog News

DSC_0028 DSC_0030 DSC_0032 DSC_0048 DSC_0051 DSC_0054 DSC_0061 DSC_0064 DSC_0066 DSC_0067 DSC_0068