U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Guddi Hoosaad Magacaabay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kulmay Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo kulankaasi lagu magacaabay Seddax guddi hoosaad oo qeyb ka ah howlaha loogu gurmanayo qaxootiga Soomaaliyeed.

Guddiyada la magacaabay ayaa kala ah:-

  • Guddiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta
  • Guddiga Dhaqaalaha
  • Guddiga dib u dejinta iyo abaabulka

Guddi walba waxa uu leeyahay gudoomiye, iyadoona kulankaasi maanta ay ka hadleen xubno ka mid ah Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ugu horeen sheegay in howsha gurmadka ah ay bilaabatay islamarkaana cid walba oo Soomaaliyeed looga baahan yahay kaalinteeda in ay ka qaadato.

Waxa uu sheegay in qof walba waxa uu awoodo uu dhiibto, sida lacag, raashiin, dhar iyo wixii la mid ah.

Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga gobalka Banaadir, islamarkaana xubin ka ah guddigaan ayaa isna hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in ka ganacsato ahaan ay doorkooda kasoo bixi doonaan.

Il-qeyte ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii la’isku baahnaa islamarkaana cid walba ama ganacsade kasta la ogaan doono waxa uu u qabto shacabkiisa dhibban, isaga oo ku booriyay dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in kaalin muhiim ah ay ka qaataan howshaan gurmadka ah.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo iyana xubin ka ah guddigaan ayaa ku boorisay shacabka Soomaaliyeed in ay mid u noqdaan u gurmashada qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waxa ay fariin u dirtay Haweenka oo ay sheegtay in dhibaato markii ay dhacdo ay yihiin kuwo ugu horeeya ee gurmadka sameeya.

Dhinaca kale Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Suudaani oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in dhibaatada haysa dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen ay aad usii kordheyso, islamarkaana aan la joogin waqti dib looga dhaco gurmadka dadkaasi.

Waxa uu sheegay in hadda loo baahan yahay dhiig joojin degdeg ah oo uu kala jeeday in degdeg dadkaasi wixii loogu qaban karo loogu qabto, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in aysan indhaha ka eegan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibban.

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed waxaa maalintii shalay ahayd looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waana guddi la doonayo in uu u gurmado dadka Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibban.

Goobjoog News ayaa 23-kii April sanadkaan 2015-ka waxa ay ku dhawaaqday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo lagu bararujinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada

IMG_2271 IMG_2276 IMG_2280 IMG_2281 IMG_2291 IMG_2294 IMG_2297 IMG_2301

Goobjoog News