U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Markii Labaad Shacabka Kala Hadli Doona Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Guddiga badbaadada iyo samatabixinta Qaxootiga ka soo laabanaya wadanka Yemen ayaa markii labaad maanta marti ku ah Goobjoog iyagoo billaabaya barnaamijkii dhaqaale uruurinta, si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Guddoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta markii Labaad ay Idaacaddan Goobjoog ka billaabayaan barnaamijkii dhaqaalaha loogu aruurinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya wadanka Yemen iyo kuwa ku dhibban dalkaasi.

Guddigani ayaa Goobjoog kaga mahadecliyay kaalinta iyo waqtiga ay siiyeen ololaha gurmadka naf badbaadinta ah ee qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibaateysan, waxayna dadka ka codsadeen in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkaasi.

Bishan May 18-keedii ayeey guddigaan waxa ay barnaamij Tabarucaad ah ka qabteen Idaacadda Goobjoog, waxaan maalintaasi lacagihii ay ku tabaruceen shacabka iyo m as’uuliyiin ay ku dhawaatay 50-kun oo Doolarka Maraykanka ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta looga fadhiyaa in kaalintooda ay ka qaataan barnaamijkaan tabarucaadda loogu uruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen iyo kuwa dalka kusoo laabanaya.

Goobjoog News