U bood dhigaalka

Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Soomaaliyeed oo Xisaabaad ka Furtay Bankiyada Salama iyo Dhabshiil

Sheeko:Dalka

Sheekh Nur Baaruud Gurxan oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Soomaaliyeed ay Xisaabaad ka Furteen Bankiyada Salama iyo Dhabshiil si dadka lacagta u bixiyaan.

Sheekha ayaa sheegay in dadka ay sugayeen in Xisaabaad la furo dal iyo dibadba, isagoo ugu baaqay in qof ay bixiyaan wax walba sida Sokor, Bariis, Baasto, Dhar iyo wixii la mid ah.

Dhinaca ganacsatada waxaa uu sheegay in ay ku jiraan guddigan Cabdikarim Gabeyre iyo Cabdirashid Ilqeyte ay ku jireen, Ganacsatada ay diyaar u yihiin uruurinta iyo bixinta Lacagta.

Baruud waxaa sidoo kale ka dhawaajiyay in lagu jiro Xagaa Bax magaalada Boosaaso, dadka Qaxootiga waxaa ay ku jiraan Bakaahro iyo meelo kulul, dad buka, dhiikar qaba, meel 100 loogu talo galay ayaa 1000 qof joogaan iyadoo la filayo in doomo kale ay imaanayaan halkaas ayuu sheegay in silac badan ka jiro, iyadoo Koofuta la filayo Isniinta in ay Diyaarad kasoo degato Muqdishu.

Akoonka Salaam Bank ayuu shiikhu sheegay in uu yahay MQD 0028404 halka midka Dahabshiil Bank  uu yahay 3058178

Akoonadaas ay gudigu fureen waxaa sii dheer taleefoon ay ugu tala galeen in cid kastaa iyo waxa ay awoodo ay ku shubto kaas oo ah 0617885353