U bood dhigaalka

Guddiga Dhameynta Xiisadaha Mudug Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Nabadda Ku Raadinayaan

Sheeko:Dalka

Gudiga loo xilsaaray dhammeynta xiisadaha ka taagan gobolka Mudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sida ugu haboon ee ay ku wajihi doonaan nabadda guud ee gobolkaasi.

Maymuun Cali Nuur Gayfane oo kamid ah xubnaha guddigan ayaa u sheegtay Goobjoog News, in ay wadaan dedaal badan oo ku aadan dhammeynta wax walbo oo Labada dhinac kala tabanayaan.

Waxay sheegeen iney baarayaan xaqiiqda waxyaabaha dhacay, islamarkaana dilalkii ugu dambeeyay ee soo noqnoqday ay baaritaan ku hayaan.

Maymuun ayaa tilmaantay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in lasoo afjaro xiisadda guud eek a taagan gobolka Mudug.

“Waxaan rajo ka qabnaa in lasoo afjaro xiisadaha ka jira Mudug, waxaan baareynaa xaqiiqda dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay, shirka sababaha dib loogu furay ayaa ah waxyaabaha soo noqnoqday, dedaalna ma yara” ayeey tiri Maymuun.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa dhexda u xirtay dhammeynta xiisadaha ka jira gobolka Mudug, una dhaxeeya beello Labada dhinac kasoo kala jeeda.

Goobjoog News