U bood dhigaalka

Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Aqalka Sare oo la kulmay Wasiirka Ganacsiga XFS

Sheeko:Amniga

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa 24/07/2019 si rasmi ah ula wareegay Sharciga Shirkadaha oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, kaas oo soo gaaray Golaha Aqalka Sare 13/07/ 2019 lana marsiiyay akhrinta kowaad 23/07/2019.

Guddigu waxaa uu kulan la qaatay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Xubno ka socday wasaarad oo ay qeeyb kayihiin sharci yaqaanada wasaarada ayagoo ku weeydiinayay Su’alo dhoowr ah oo khusiiyo Hindise-sharciyeedka Shirkadaha.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi Guddoomiyaha Gudiga Senaot Cabdi Axmded Dhuxlow (Dhegdheer) iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa kulankan muhiimka aha la yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Eng Cabullaahi Cali Xasan,iyagoo iska xogwareystay hindise sharciyeedka Shirkadaha.

Eng Cabullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga waxaa kulankaasi ku wehliyay qubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda,iyagoona isla gorfeyey meelmarinta sharcigasi oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka.

Goobjoog News