U bood dhigaalka

Guddiga Dib u Eegista Dastuurka: Dastuurka Hadda Lagu Shaqeeyo Waa Midka Saxda Ah

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa lagu sheegay in dastuurka hadda sida KMG ah loogu shaqeeyo yahay kan saxda ah ee lagu soo dhisay hay’adaha dowladda.

Waxa ay sheegeen in dastuurkan yahay kii saxd ahaa ee ay ansixiyeen ergada Agoosto 1, 2012, iyaga oo meesha ka saaray in dastuurkii saxda ahaa yahay midkii Todobaadkii hore lo qeybiyey xildhibaannada golaha shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda dowladda lagu soo dhisay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: