U bood dhigaalka

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Oo Baaq u Diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Guddi difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan nabadda iyo hormarka dalka.

Gudoomiyaha Guddigaasi Xuseen Carab Ciise oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin kuwa kaliya ee maanta dalka wax u qaban kara, islamarkaana gaarsiin kara heer sare.

Waxa uu sheegay in xilligaan aanay wanaagsaneen in dalka ay ka tahriibaan dhalinyarada, islamarkaana dibadaha ay ku cararayaan ay ka wanaagsan tahay wadankooda inay joogaan.

“Dhalinyarada lagama maarmo, iyaga ayaa ugu badan dalka, waxaa waajib ah in xiriir wanaagsan lala sameeyo, nidaamka dowliga ah laga qeybgaliyo, dalka wuu hormarayaa hadii dhalinyarada lala shaqeeyo”

“Waa arrin laga xumaado in dhalinyarada ay dalka ka tahriibaan, waxaa laga dhaadhiciyay in saxaraha wixii ka dambeeya ay nolol wanaagsan taallo, laakiinse marka ay halkaasi tagaan ayeey ogaadaan in taasi ay been tahay, marka dhalinyarada wacyigelin ayeey u baahan yihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya.

Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dalka qaab tahriib ahaan uga baxa, kuwaasi oo la kulma dhibaatooyin badan.

Goobjoog News