U bood dhigaalka

Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay howlgalka Indian Ocean

Sheeko:Dalka
    Raaxo Maxamed Maxamuud oo wareysanaysa Xildhibaan Xuseen Carab Ciise
Raaxo Maxamed Maxamuud oo wareysaneysa Xildhibaan Xuseen Carab Ciise

Guddiga difaaca barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahnaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaado hawl galka loogu magac daray Idian Ocean, kaas oo ku wajahan gobolada xarakada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin dalka.

Guddoomiyaha guddigaas Xuseen Carab Ciise ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog FM waxa uu ku sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qaadeen howl gal lagu soo af jarayo Al-Shabaab.

Wareysigiisa waxa uu ku soo hadal qaaday in ahmiyada howlgalka Indian Oceon uu yahay xasilinta gobolada dalka.

Hadalka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli dorraad ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Buulo mareer ee gobolka SHabeellaha hoose.

Hoos ka dhageyso codka Wareysiga Raaxa Maxamed ay la yeelatay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: