U bood dhigaalka

Guddiga Diyaarinaya Sharciga Doorashada oo Ku sii-jeeda Garoowe

Sheeko:Dalka

Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Waa lugtii 2aad oo ay ugu baxayaan mid ka mid ah dowlad goboleedyada, oo horay waxaa ay u tageen dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed.

Arrinta guddiga u socdaan waa in maamulkaasi Puntland kala hadlayaan labo arrin: (1). Arrimaha sharciga doorashada iyo waafejinta dastuurka (2). Model ama nooca doorashada 2020-ka oo iyadana muhiim ah in lagu qeexo qeybo ka mid ah sharciga.

Guddigan oo ay saareen golaha shacabka ayaa horay ula kulmay axsaabta siyaasadda, hey’adaha caalamka, cilmi baarayaan iyo qeybaha kale ee bulshada sida dhalinyrada.

Waxaa xusid mudan in odeyaasha iyo maamulka Koonfur galbeed ay qabaan in doorashada 2020-ka lagu celiyo nidaamka 4.5, oo aan hadda diyaar loo aheyd doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News