U bood dhigaalka

Guddiga doorashada Heer Federaal: Sabtida Ma Dhaceyso Doorashada Aqalka Sare Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada heer federaal ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku laalayaan go’aan arabacii ka soo baxay guddiga doorashada heer maamul goboleed ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya kaas oo slagu sheegay in sabtida la bilaabi doono doorashada aqalka sare ee Somaliland.

Guddiga doorashada heer federaal oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in guddiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed ay leeyihiin fulin oo keliya oo aaney awood u laheyn in ay go’aan ka gaaraan waqtiga doorashada.

War Saxaafadeed-ka waxaa uu u qornaa sidan:

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) xilalkiisa iyo waajibaadkiisa

waxaa ka mid ah kormeerka hannaanka doorasho, hubinta habraaca, go’aaminta ku dhawaaqidda

waqtiga doorashadu billaabanayso ama gabagaboowdo iyo ku dhawaaqidda natiijada

musharraxiinta ku gulaystay doorashooyinka Baarlamaannada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Sidaas darted, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa bulshada Soomaliyeed meel kasta oo ay joogto in

uu GFHDD yahay hay’adda keliya ee ku shaqada leh go’aaminta xilliga ay doorashada Aqalka

Sare ee Soomaaliland billaabmi doonto iyo xog kasta oo ku sabsan arrintaansi.

laalis