U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Galmudug: Iskuma Xirna Doorashada Iyo Wada Hadalka

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in aysan isku xirnayn wada hadalka maamulkooda uu kula jiro Ahlu-sunna iyo Doorashada madaxtinimada Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka guddigaasi Xildhibaan Boosteeyo Jaamac Cali oo la hadashay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegtay in xukuumadda federaalku aysan ku heshiinin xalinta tabashada Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna iyo doorashada in la isku xiro.

Waxay sheegtay in haddii xalinta tabashadaasi lagu guuleysto iyo haddii lagu gacan seyraba in Galmudug doorashadeeda aan dib looga sii dhigi doonin 30-ka bishan.

“Sida qorshaha yahay 30-ka bishan ayeey doorashada dhici doontaa, wixii ka horreeyana waxaan fulineynaa heshiiskii uu maamulkeena la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, iskuma xirna doorashada iyo wada hadalka, waxaana doorashada ay dhici doontaa waqtigii loogu talogalay” ayeey tiri Xildhibaan Boosteeyo.

Sagaal maalin ayaa ka dhiman, waxaana illaa hadda isa soo sharraxay Seddex musharrax oo kala ah Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Pro: Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo Axmed Shariif Hilowle.

Goobjoog News