U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Galmudug Oo Maanta Soo Gabagabeynaya Isdiiwaangalinta Murrashaxiinta

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in maanta ay ku ektahay isdiiwaangalinta murrashaxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya maamulkaasi.

Ilaa iyo haatan waxaa isdiiwaangalisay kaliya labo murrashax Axmed Shire Maxamed Falagle iyo Axmed Cabdullahi Samatar,  kuwaas oo qaatay shahaadada cadeynaysa isdiiwangalintooda, waxaana jira guux ku aadan in murrashaxiinta qaar ay dalbadeen in waqti la siiyo si olole dheeraada ay u galaan, maadaama marrashaxiintaasi ay ka cabanayaan in dowladda Soomaaliya ay faragalin ku hayso doorashada maamulka Galmudug.

Shalay ayay ahayd markii xubin u hadlay guddiga doorashada Galmudug uu sheegay in 24-saac oo kaliya ay uga darayaan murrashaxiinta dalbaday waqtiga dheeriga ah oo maanta ku ekaa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay khilaaf hor leh kaas oo salka ku haya dhismaha Galmudug, iyadoona haatan Guddigaan ay ku adkaysanayaan in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto.

Wixii ku soo kordha warkaan halkaan ayaad kala socon doontaa