U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo iska dhex doortay Guddoon

Sheeko:Baarlamaanka

Gudigga doorashadda Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa  iska dhex doortay Guddoomiye ka dib doorasho ka dhacday  Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sida ay qortay SONNA, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in Xildhibaan Nuur Iidow Bayle  uu yahay Guddoomiyaha Guddiga, Sahra C/qaadir Maxamed iyana ay tahay guddoomiye kuxigeenka, iyadoo Xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) uu noqday Xoghayaha guddiga qaban qaabada Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Akhriso, Magacyada Guddiga:

Goobjoog News