U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Madaxweynenimo ee Dalka Kenya oo Is casilay

Sheeko:Caalamka

Guddiga doorashada madaxweynenimo ee dalka Kenya ayaa dhamaantood is casilay, ka dib is qabqabsi iyo dibadbaxyo ay mucaaradku xukuumadda ku cadaadiyeen in guddigaa shaqada laga fariisiyo.

Agaasimaha madaxtooyada Kenya Joseph Kinyua ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta la soo gaarsiiyay warqaddii is casilaadda dhamaan xubnaha guddiga Komishanka doorashooyinka Kenya, bilo un ka hor doorashada madaxtooyada ee la filayo iney dhacdo sanadka dambe ee foodda ingu soo haya.

Is casilaaddan ayaa imaneysa kadib markii mucaaradku ay codsadeen in guddiga shaqada laga fariisiyo, waana sida ay sheegayso shabakdda ABC News ee dalka Mareykanka.

Shan qof ayaa ugu yaraan ku geeriyootay ka dib markii ay Booliska Kenya ku fureen rasaas kooxo mudaaharaadayaal mucaarad ah oo soo abaabulay banaabaxyo waaweyn May iyo July-dii aan ka soo gudubnay, iyadoo dadkani ay dalbanayeen iney is casilaan Komishanka Doonaarooshinka Kenya oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq, wax isdabamarin iyo iney u janjeeraan dhanka xukumadda.

Si lagu raalligeliyo xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ayaa xukuumadda Kenya waxay heshiis la gaartay guddiga si ay isku casilaan, halka ururro u dooda xuquuqda aadanaha ay is weydiiyeen sababta xukuumadda ku kalftay in Komishanka ay lacago ku bixiso is casilaadooda, iyadoo Kumishinka horey u waajahayay dacwado musuqmaasuq ah oo lagu soo eedeeyay.

Goobjoog News