U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada: Magacyada 6,528 Ergo Ayaa Naloo Soo Gudbiyey

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal oo gelinkii dambe ee maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo soo gubiyey qaar kamid ah magacyada ergada la doonayo iney doortaan xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay guddiga oo saxafadda ay u akhrisay Nafiso Geeddi oo kamid ah xubnaha guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in hadda guddiga loo soo gudbiyey magacyada 6,528 xubnood kuwaas oo kamid ah 14,025 xubnood ee dooran doona 275 xildhibaan ee baarlamaanka.

“Guddiga waxa uu shaaca ka qaadayaa in shalay oo ahayd 10-ka October, ahaydna maalintii loo mudeeyay in 135 madax dhaqameed ay soo gudbiyaan magacyada ergadii dooran lahayd 275-ta golaha shacabka, kadib markii ay la tashadaan nabadoonada Jufooyinkooda, waxa uu guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban idiin la wadaagayaa in ergada oo tiradooda guud tahay 14,025 xubnoo in illaa hadda lasoo gudbiyey magacyada 6,528 ergo, sidaasi darteed wuxuu guddiga u hambalyeenayaa madax dhaqameedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo soo gudbiyey liiska ergada mudadii loo qabtay waxyar mooyaane, guddiga waxaa kale oo ugu baaqayaa dhammaan odoyaasha ee weli aan soo gudbin liiska ergada dhiman iney kusoo gudbiyaan Labo maalin gudaheeda, guddiga doorashada wuxuu hoosta ka xariiqayaa in kursi walbo oo ergadii dooran lahayd diyaar  u tahay in ay billaabaneyso diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya kuraastaasi waqtigii loogu talogalay oo ku beegan 12 October, waxayna socon doontaa diiwaangelinta illaa 22 October”

Madax dhaqameedyada waxaa laga sugayaa in ay soo dhameystiraan xubnaha kale ee ergada doorashada xildhibaannada baarlamaanka Federaalka.

Goobjoog News