U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Oo Bedalay Halka Lagu Qabanayo Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in isbedal lagu sameynayo xaruntii lagu qaban lahaa doorashada madaxweynaha, kadib qiimeyn ay sameeyeen guddigooda.

Guddoomiyaha guddigaasi C/raxmaan Ducaale Bayle oo u waramay VOA ayaa sheegay in markii horeba ay Labo meel qorsheeyeen oo ay u kala xuleen A iyo B, sidaasi darteedna ay u badan tahay iney qaataan B.

Waxa uu tilmaamay in ulajeedka loo bedalayo goobta lagu qabanayo doorashada ayuu ku sheegay iney tahay xaqiijinta in doorasho xalaal ah ay dhacdo, sidoo kalena musharraxiinta qaar ay horey u dalbadeen in dugsiga Jeneraal Kaahiye aan doorashada lagu qaban.

“Wax weyn oo aan horey la isugu ogaa oo la bedalay ma jiraaan, waxay ahaayeen A iyo B, waxaa iminka loo badan yahay in la tago B-da, sababaha loo tagayo waxa weeyaan qiimeyn ay soo sameeyeen guddigayaga iyo guddiga la dirirka Musuqa, xaruntan ayaa  ka dhib yar marka loo eego ilaalinta socodka dadka, 24-mudane ayaa soo qortay in madaxweyne ay dalka ka noqdaan, 18 kamid ah ayaa walwal ka muujiyey in haddii Jeneraal Kaahiye lagu qabto aaney kalsooni ku qabin, taas ayaana keentay in la isku eego Labadii meel aynu markii horeba qorsheynay” ayuu yiri Dr Bayle.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in doorashada lagu qaban doono xarunta ciidamada Cirka Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Maalinta Arbacada ah ayaa loo balansanyahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweyne, waxaana xilkaan isku soo sharaxday 24 mudane, balse waxaa tanaasul sameeyey Hal musharrax.

Goobjoog News