U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Oo Degdeg Ku Qaban Doona Doorashada Xubnaha Ka Harsan Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhici doonto doorashada kuraasta ka harsan Labada aqal.

Guddiga ayaa sheegay in weli ay ku howlan yihiin sidii lagu dhameystiri lahaa doorashada xildhibaannada Labada aqal, gaar ahaan kuwa harsan golaha shacabka ee beelaha Banaadiriga ah iyo kuwa Somaliland, iyo doorashada aqalka sare ee beelaha Somaliland.

Qoraalka guddiga ayaa lagu yiri : Guddigu wuxuu weli ku howlan yahay dhameystirka doorashada kuraasta ka dhiman golaha shacabka ee beelaha Banaadiriga, iyo kuraasta ka dhimaan golaha shacabka iyo aqalka sare ee beelaha Somaliland.

27-kii December 2016, waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey 283 xildhibaan oo ka mid ah 329 xildhibaan ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Goobjoog News