U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Oo Soo Dhoweeyay Doorashadii Aqalka Sare Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada hee Federaal ayaa soo dhoweeyay doorashadii 16-kii illaa 17-kii bishan ka dhacay magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug kusoo doortay xubnaha u matalaya aqalka sare ee baarlamaanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaaney sida Galmudug ay u ilaalisay qoondada haweenka 30%, maadaama 8-da xubin ee ku aaddey Galmudug ay Labo kamid ah yihiin Haween.

Sidoo kale guddiga ayaa maamul goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ugu baaqey iney soo doortaan xubnaha u matalaya aqalka sare sida ugu dhaqsiyaha badan.

War-saxaafadeedka guddiga ayaa sidan u qoran

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa una hanbalyeynayaa Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ku guuleystay in uu soo doorto siddeedii xubnood ee u matalayey Aqalka Saree ee baarlamaanka.

Guddigu waxa uu ku ammaanayaa Galmudug sida uu u soo buuxiyey qoonddadii haweenka ee Aqalka Sare iyadoo siddeedda xubnood ay labo ka mid ah ay yihiin haween.

Guddigu waxaa uu ugu baaqayaa Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan xubnihii u matalayey Aqalka Sare.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu ka codsanayaa Dowlad Gobaleedka Jubbaland in uu soo buuxiyo shuruudaha magacaabista Aqalka Sare inta aan laqaban doorashada Aqalka Sare.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in ilaa iyo hadda hannanka doorashada 2016 si habsami ah uu dalka oo dhan uga socdo.
DHAMAAD