Guddiga Doorashada Oo Walaac Ka Muujiyay Rabshado Ka Dhacay Jowhar

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa waxaa uu soo saaray war saxaafadeed ku aadan rabshado jimcihii ka dhacay xarunta doorashooyinka ee Jowhar.

Warka waxaa uu qornaa:

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /Jowhar xalay oo ay taariikhdu ahayd 18/11/2016, markaas oo ay socotay codeeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe.

Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.

Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga deegaan Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, waxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.

Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle.

Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW