U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Puntland Oo La Dhaariyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland ayaa maanta waxaa lagu dhaarirayay Madaxtooyada magaalada Garowe, waxaana goobjoog ahaa madaxweynaha Siciid Cabdillaahi Deni.

Dhaarta ka dib Madaxweynaha ayaana bogaadiyay guddiga waxaa uuna kala dardaarmay in shaqadii loo igmaday ay ka soo baxaan si hufnaan ah, lagana sugaayo in sida uu qabo axdi qarameedka Puntland lagu dhisay oo ah in maamulka la gaarsiiyo doorasho hal qof iyo hal cod ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”

Mr. Deni oo sii hadlaya “Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan”

Guddigaan uu dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa qaadacay madaxweyne ku-xigeen Cabdi Cismaan Karaash, assaga oo sheegay inuu madaxweynu wax tashiya uusan kala sameynin magacaabista guddiga doorashooyinka.
Goobjoog News