U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Qaranka Oo Tartamayaasha 3dan Kursi U Qabtay Waqti Kama Dambeys Ah

Sheeko:Dalka

Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ay guddoomiyaha ka tahay Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa maanta dalbaday in Beelaha leh 3-da kursi ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bannaan in ay keensadaan dadkii u tartami lahaa  ama Musharaxiinta.

Xaliimo ismaaciil Yarey waxaa ay qabatay 31 Janaayo ilaa 5ta Febraayo socon-doonto  is-diiwaan gelinta Tartamayaasha.

Kuraasta oo kala yaallo Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay kala yihiin:

1. Kursigii uu ka geeriyooday: Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje

2. Kursigii uu ka geeriyooday: Marxuum Bootaan Ciise Caalin

3. Kursigii uu ka geeriyooday  Marxuum Saciid Xasan Geedi

Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil oo la hadashay Goobjoog News ayaa ka gaabsatay in ay sheegto waqtiga ay dhici-doonto doorashada cusub iyada oo sheegtay in ay ka war sugayaan ka guddi ahaan sida murashaxiinta isu-diiwaan-geliyaan.

January 28, 2018, waxaa magaalada Jowhar ka dhacay doorasho hal kursi, kursiga oo ay u tartameen illaa 6 mursahax waxaa ku guuleystay Xildhibaan Nuur Idow Beyle.

Goobjoog News