U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Dadban: Xarumaha Doorashooyinka Ka Dhacayaan Waxaa Joogi Doona Kormeerayaal

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadban ee 2016 ayaa sheegay in dhammaan meelaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka ay joogi doonaan Kormeerayaal caalami ah iyo kuwo Soomaaaliyeed oo ka imaanaya Bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha guddigan Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle oo magaalada Nairobi kula hadlayey qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddiga uu ku jiro diyaar garow ballaaran.

Wuxuu tilmaamay in la diyaariyey dhammaan xeerarkii lagu nidaamin lahaa kormeerayaasha doorashooyinka.

“Guddigaan xilkiisa ugu muhiimsan waa Labo oo kala ah inuu diyaariyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo dhala hay’ad Dastuuri ah oo bedasha kuwa waqtigooda dhammaaday kadibna markaas doorta madax, marka aad dhankaasi ka fiirisid waxaan ka shaqeyneynaa arrimo siyaasadeed, dhanka kale waxaan leenahay waajib kaas kasoo horjeeddo oo ah inaan noqono dad garsoorayaal ah oo la rabo iney u cadaalad falaan dhammaan dadka u tartamaya Labada aqal iyo madaxtinimada dalka, qeybta Labaad oo aan rabno inaan ku ilaalinno kalsoonida doorashada, in aysan noqonin mid la musuqay ama ay si gaar ah cid ugu takri fashay, waxaa joogi doona goobjoogayaal caalami ah iyo kuwo wadani ah oo bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan ka imaan doona, goob joogayaashaasi waa la diyaariyey xeerarkii lagu nidaamin lahaa iyo sida ay ku tagi lahaayeen goobaha codbixinta ka dhaceyso wax kasto waa laga sii fekeray”

Dalka waxaa ka dhici doona sanadkaan doorashooyinka dadbadan, maadaama aysan suurtagelin iney dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Goobjoog News