U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Ee Galmudug Oo Sheegay Inay Billaabeen Shaqooyinkooda

Sheeko:Dalka

Xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee Galmudug oo ka kooban 11 xubnood ayaa sheegay si rasmi ah howlahooda shaqo u billaabeen islamarkaana ay u yeereen Odayaasha dhaqanka ee kaalinta ku leh soo xulista xildhibaannada baarlamaanka ee ka imaanaya Galmudug.

Guddoomiyaha guddigan Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen ayaa bulshada ugu baaqay inay soo dhoweeyaan kumanaanka ruux ee magaalada Cadaado u tagayaan arrimaha doorashooyinka.

“Howlaheena wey socdaan, duubabkii dhaqanka ee 135 waan war gelinnay, qaarkood wey joogaan kuwa kalena wey imaanayaan, dhammaan howlihii naloo igmaday waa ay socdaan, waxaan nahay guddi madax bannaan oo loo xilsaaray doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Galmdud” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo isna ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa ugu baaqay bulshada in guddiga doorashooyinka loo fududeeyo howlahooda shaqo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay qaadayaan tallaabooyin dhanka amniga ah.

“Arrimaha doorashooyinka iyo qaabka ay u socdaan waa arrimo aad u wanaagsan, runtii umadda Somaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Galmudug waxaan ka codsaneynaa in si sharaf leh oo amni leh uga qeybqaataan doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa dhawaan gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ku sugan qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah.

Goobjoog News