U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Ee K/Galbeed Oo La Kulmay Waxgaradka Baay Iyo Baakool

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kulan ku yeeshay guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed iyo waxgaradka gobollada Baay iyo Bakool.

Waxay ka wada hadleen arrrimo la xiriira qeybsigaa ergooyinka iyo sidoo kale arrimo ku aadan dhameystirka habsami u socodka nidaamka lagu qeybsanayo ergooyinka.

Maxamed C/laahi Mursal oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa hadal uu ka jeediyey kulankaasi ku faah faahiyey ulajeedka ay ula kulmeen Odayaasha dhaqanka.

“Ulajeedka kulankeena waxa uu ahaa sidii Odayaasha dhaqanka loola tashan lahaa, habsami u socodka soo xulista ergooyinka, diiwaangelinta musharraxiinta, waxaan idiin la wadaago donna Foomka soo xareynta ergada iyo diiwaangelintooda” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad goboleed waxaa u yaalla shaqooyin badan, waxaana la doonayaa inay ka shaqeeyaan nidaamka ay ku imaanayaa xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

Goobjoog News