U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Ee Puntland Oo Farriin u Diray Waxgaradka Ku Howlan Soo Xulista Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal saxaafadda kula hadlay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland, iyaga oo  ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka xildhibaannada aqalka hoose.

Faadumo Cabdi Warsame (Faadumo Qaran) oo xubin ka ah guddigan ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen guddigan u akhrisay warbaahinta, ayaa sheegtay in waxgaradka laga doonayo iney fuliyaan go’aannadii kasoo baxay shirka madasha.

Waxa ay tilmaantay Faadumo in Beelaha laga doonayo in Saddexdii kursiba mid haweenka ay siiyaan, islamarkaana beelaha aan kuraasta badan qabin iyaguna sida ay isugu dhow yihiin looga doonayo qoondada haweenka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in haddii waxgaradka ay ka madax adeegaan arrinta aan laga aqbali doonin in Kursi haween leedahay rag la siiyo, sidaas darteedna kursigaasi la laali doono inta dib la isaga arkayo.

Kulankii ugu dambeeyay ee madasha ku yeelatay magaalada Muqdisho waxaa lagu adkeeyay arrinta ku aadan qoonada haweenka oo ah in Kuraasta aqallada Hoose iyo sare ay ka helaan 30%.

Goobjoog News