U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Ka Hadlay Xilliga La Xareynayo Ergada Dooran Doonta Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Xubnaha guddiga doorashooyinka dadban ayaa dhawaan safar ku kala aaday qaar ka mid ah gobollada dalka halkaasi oo ay kula soo kulmayaan waxgaradka la doonayo in ay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka.

Afhayeenka guddigaasi Maxamed Keynaan oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa u sheegay Goobjoog News ulajeedka ay ula kulmayaan waxgaradkaasi.

“Waxaan hadda ula joognaa arrimo la xiriira farsamo, kow inay fahmaan shuruudaha looga baahan yahay sida qofka ergayga noqonaya, sida inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed, inuu ka mid yahay beesha is kaleh kursiga ay usoo magacaabi doonaan, inuu ugu yaraan jiro 18 sno, in maxkamadi aysan horay u xukumin, in uusan xil siyaasadeed hadda hayn iyo wax la mid ah, waana midda la rabo inay fahmaan, 51 qof ee laga rabo in kursi kasta iyagu usoo qoraan iyaga oo la tashanaya Nabadoonadooda iyo dadka kursiga leh waxaa la doonayaa in 51-ka ugu yaraan 16 ka mid ah haween noqdaan, 10 ka mid ah dhallinyaro noqdaan, waxaan rabnaaa Odoyaasha in waxyaabahan dhan fahmaan oo aan ka wada hadalnay oo aan fahamsiinnay, annagane howlahan ayaa meel walbo u tagnay oo aan lasoo kulanno madax dhaqameedka, liiskana inoo soo gudbiyaan 2 todobaad gudahood, Ugu dambeyn Liiska ergooyinka waa in aynu innagu haysannaa ama madax dhaqameedka usoo gudbiyaan guddiyada heer dowlad goboleed 12-ka bisha soo socota” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale Afhayeenka ayeeynu wax ka weydiinnay sida ay ula macaamili doonaan Somaliland iyo gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe maadaama arrintaasi u baahan tahay in si gaar ah  loo eego.

“Arrimaah qaarkood waa laga heshiisyey, howshaasi kama duwana howlaha kale aynu ka hayno maamullada meelaha ay ka jiraan, shuruudaha waa sidooda, meelaha lagu kulmaya arrimaha ku aadanna wey socdaan, wixii dhiman ee su’aallo ka taagan yihiin wey socdaan, mana rajeynayno inay yimaadaan dhibaatooyin howshaasi ka hor yimaada”

Guddiga doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in ugu dambeyn waqtigii ay qabsadeen, madashuna isku raacday ku dhici doonto doorashada dalka.

Goobjoog News