U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka K/Galbeed oo Goobjoog u Sheegay Wakhtiga ay Bilaabaneyso Doorashada Aqalka Hoose ee BF Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka guddiga hannaanka doorashada dadban ee Koonfur Galbeed Cali Abuukar Xuseen oo Goobjoog News wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in wajiga koowaad ee doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka uu ka bilaaban doono K/Galbeed maalinta Talaadada ah ee soo aaddan.

Cali Abuukar ayaa ugu horreyn ka hadlay shaqooyinka illaa iyo hadda u qabsoomay guddigooda, waxaanuu yiri:-

“Shaqooyin aad u lixaad leh ayaa noo qabsoomay, markii ugu horreysay waxaan isku keenay odayaasha 135 ku jiray ee K.Galbeed, waxaan u sameynay wacyigelin qaabkii ay u soo xuli lahaayeen ergooyinka doorashada, waxaan siinay wakhtiga ay u baahan yihiin ee ku filan, howshaas ayaa la galay howshiina si wanaagsan ayaa odayaashu uga soo dhalaaleen, 69-ka kursi waxaa nasoo gaartay 59 kursi, liisaska ergooyinkii wax dooran lahaa, tobonka harsanna waa iska diyaar; waxaana jiray is qabqabsi dhanka jifooyinka beelaha 10-kaas kursi, hadda sida ay warbixinta nagu soo siinayaan odayaasha dhaqanka meel fiican ayay u mareysaa, waxaan fileynaa maalin ama labo iney noogu soo dhameystiraan”.

Cali Abuukar ayaa sheegay in ay bilaabayaan wajiga koowaad ee doorashada oo ah 23 kurisi:-

“Intaa ka sokow, waxaan gudo galnay diyaarintii wixii looga baahnaa arrimaha farsamada sidii ay u dhici lahayd doorashooyinka wakhtiga xaadirka ah ee aan hadda joogno, waxaa noo diyaar ah wajiga koowaad ee doorashada oo ka kooban 23 kursi, saddex iyo labaatankaa kursi ergooyin koodu waa diyaar, waa la sawiray waxaa loo sameeyay kaararkii ay ku codbixin lahaayeen goobihii ay codbixintu ka dhici lahaydna waa loo diyaariyay, wixii agab looga baahnaa goobaha codbixinta, hadday noqon lahayd wixii farsamo ahaan, hadday noqon lahayd shaqaalihii ka shaqeynayay doorashooyinka oo tobabarkii ay u baahnaayeen la siiyay, waxaan fileynaa wajiga koowaad ee doorashooyinka inuu noo bilowdo maalinta Talaadada ah,Talaadada; Arbacada iyo Khamiista saddexdaa maalmood ayaan fileynaa wajiga koowaad ee 23 kursi doorashooyin kiisu ku qabsoomi doonto”.

Cali Abuukar waxa uu noo sheegay iney ku gudo jiraan diyaarinta wajiga labaad ee doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka oo 26 kursi ergadooda ay tahay in laga soo daabulo shabeelaha hoose, isagoo xusay inta lagu gudo jiro wajiga koowaad ay baydhabo soo gaari doonaan ergooyinkaas oo  meelihii ay degi lahaayeenna si wanaagsan loo diyaariyay.

Cali waxa uu tilmaamay in ay doorashadu u qorsheeyeen saddex waji oo waji kastaaba uu ka koobanaan doono 23 kursi iyo ergo gaareysa illaa 1,173 qof. Ergada aan qoraalka aqoon waxa uu sheegay in sawirka musharaxa warqadda lagu soo caddeynayo sidaa darteedna calaamad kasta oo sawirka agtiisa ka muuqata loo qaadanayo in qofkaa sawirka leh loogu codeeyay, iyadoo ay jirto waliba wacyigelin loo sameynayo ergada sida ay codbixinta u sameynayaanna loo tababarayo.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka oo 12 kursi lagu doortay xildhibaannada ugu horreeyay ee aqalka hoose ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Goobjoog News