U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Oo Sheegaya In Laqabanayo Doorashada Saddex Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta shaaciyey in la qaban doono doorashooyinka Saddex Kursi oo ka banaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xalimo Ismaaciil, guddoomiyaha guddigan ayaa sheegtay in kuraasta la buuxinayo ay ka banaanyihiin Maamullada Galmudug iyo K/galbeed.

Xaliimo yarey waxaa ay hoosta ka xariiqday in wixii maanta ka dambeeyo ay qabanayaan doorashada Seddexdaan kursi iyada oo ugu baaqday Maamullada in ay keensadaan Xildhibaannadii u matali lahaa golaha Shacabka.

“Guddiga waxaa uu ku dhawaaqayaa in uu qabanayo doorashada boos buuxinta ee kuraastada ka banaan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo ayna baneeyeen Xildhibaannada kala ah Xildhibaan Xuseen Cusmaan oo ka banaanaaday kursigaasi K/galbeed, Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi uuna baneeyay kursigaasi kana banaanaaday K/galbeed iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Gaafo oo isna ka banaanaaday Galmudug”.

Xildhibaannada Saddexda ah ayaa labo ka mid ah waxaa ay Matalayeen maamulka G/galbeed Soomaaliya halka Midka saddexaadna uu Matalayay Galmudug waxaa uuna guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan uu isku diyaarinayaa in uu qabto doorashada saddexdan kursi ee ka banaan golaha Shacabka.

Goobjoog News