U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan Oo Qeybaha Bulshada Kala Hadlay Doorashada Qof Iyo Cod

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ayaa maalmahaan kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada iyada oo ay ka wada hadlayeen doorashada qof iyo cod ee la rabo in dalka lagaarsiiyo sanadka 2021-ka.

Bulshada ayaa waxa ay su’aalo ka weydiinayeen guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan halka ay wax marinayaan. Kulanka maanta dhexmaray guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan iyo sidoo kale bulshada ku nool gobolka Banaadir waxaa looga hadlay sidii loo hirgalin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Qaar ka mida dadkii ka qeybgalay kulankani ayaa su’aalo weydiiyey guddiga oo ku saabsan hannaanka doorashada ee qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, qaar ka mida su’aalaha dadka sidaan ayey u dhaceen “Waxaan rabnaa doorashadaan la sheegayo ma maamullada gobollada laga soo dhisayaa oo gobolka Banaadir waxba kuma lahan miyaa, haddii gobolka Banaadir uu wax ku leeyahay maxaa looga oggolaan waayay in uu doorto masiirkiisa”.

Qof kale waxa uu yiri “ Doorasho qof iyo cod ah in aan gaarno wax la heli karo ma ahan, Illaahey wax looga mahdiyo waaye, waxaan idiin sheegayaa dowaladaha aad nagu tusaaleyneysaan ee Afghanistan iyo Ciraaq annagu lama mid nihin”.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Zayid Cali Sheikh Maxamed iyo Saciid Xaashi oo ka mida guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ayaa ka jawaabay su’aalaha ay bulshadu weydiiyeen, waxa ayna sheegeen in ay ka go’an tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah.

Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ayaa ku howlan sidii doorasho qof iyo cod ah dalka looga hirgalin lahaa, waxa uuna sheegay guddiga in xafiisyo uu ka furan doono qaar ka mida gobollada dalka.

Goobjoog News