U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Ka Sheegtay In Shaqadoodii Loo Dhiibay Guddiyo aan Dastuuri Aheyn.

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaan Maanta golasha shacabka hortagay guddiga doorashooyinka qaranka iyagoo ka Sheegtay In Shaqadoodii Loo Dhiiban Guddiyo aan Dastuuri Aheyn.

Guddiga doorashooyinka qaranka  waxaa guddoomiye u ah Xaliimo Ismaaciil Ibrahim, waxaa jagadaas loo doortay January 27, 2015kii.

Guddiga waxaa uu qaaday tilaabooyin dhowr ah sida dajinta xeer-hoosaadka, doorashooyinka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, diyaarinta Misaaniyad sanadeedka 2015/2016.

Guddiga waxaa kaloo uu sameeyay mudadii uu dhisnaa tayeynta guddiga, Tababaro iyo aqoon kororsi iyagoo safari ku tagay Midowga Yurub, Italy, Norway, Uk, Sweden, US iyo wadao kale.

Guddigan waxaa kaloo ay safari ku tageen Tanzania iyo Zinzibar, ugu horeyn waxaa ay martiqaad ka heleen guddiga doorashooyinka Tanzania(NEC) iyagoo ka faa’ideystay wixii ay halkaas ku soo arkeen, waxaa kaloo ay ka qeybgaleen doorasho ka dhacday Zanzibar, sidoo kale ay wax badan ka faa’ideen.

Waxaa kaloo guddiga uu ka qeybgalay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga iyagoo tagay xarunta dhexe ee golaha sare ee doorashooyinka ee Ankara.

Guddiga ayaa dhibaatooyin ka sheegtay in xukuumadda ay hortagtay baarlamaanka iyagoo sheegay in dalka aysan ka dhici Karin hal qof iyo hal cod marka la gaaro xiliga uu dhamaanayo waqtiga xukuumadda, waxaana taa badalkeda lagu dhawaaqay madal, arrintaas oo keentay in guddiga uu dareemay in uu maqan yahay doorkii guddigan, waxaa guddigan badalkiisa la sameeyay howshiisa faraha laga saaray guddiyo aan dastuuri aheyn baarlamaakuna aanu ansixin.

Guddiga ayaa u sheegay baarlamaanka in xitaa si is xilqaan ah iyo mas’uuliyad ah ay u aadeen gobollada qaarkood. Iyagoo ka noqday Goobjoogayaal wixii halkaas ka dhacay.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay caqabado badan sida in guddiga ay ku dhacdau jahowareer markii la sheegay in aanay dalka ka dhici Karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Cabashooyin:

Sameynta guddiyo ka shaqeeya howsha doorashada 2016ka, kuwaas uu sheegay in aanay dastuuri aheyn.

Sharciga doorashooyinka oo aan la ansixin.

Guddiga oo aan helin tashiilaad Maaliyadeed.

Dowladda oo aan bixin Mushaarka shaqaalaha guddiga.

Ugu dambeyntii waxaa uu guddiga soo jeediyay dhow arin:

In La dhowro dastuurka sharciyada dalka u yaallo.

In la siiyo guddiga doorkiisa dastuuriga ah isla markaana la baabiyo guddiyada aan dastuuriga aheyn.

In Guddiga la siiyo taageero dhaqaale oo ku filan.

In hey’adaha dowladda ay ku taageeraan guddigan gudashada waajibkiisa.

In la dhameystito sharciyada loo baahanyahay si doorasho loo qabto

In Baarlamaanka uu guntado ka qeybqaadashada dowrka ka aadan xalinta caqabada kor ku xusan.

Goobjoog News